Wednesday, January 25, 2012

Chinese-toona: Madaxweyne ka soo qayb gal Shirka London oo ...

Shirka London waxaa kazoo qayb galaya 45 dal madaxdood oo ay ku jiraan kuwa addunka ugu muhiimsan , waxaanay u tahay  inaynu ka jeedino oo caalamka u sheegno danaheena , lakiin waxaa masuubi ah in marka lays yidhaa caalamka ka  qayg galaba ama meel tagaba , qaar raba inaynu  container ku jiro oo cid kale qaadato xaqeena .

Dhawaan ayaa ku xigeenkii rayaale hadlayey waxaanu yidhi  Ingiriisku Somalila ayuu la jiraa waxaa la yaab leh erayada ka soo baxay ninkaas  cadaalada u waayaya xisbigaasa . waxaanu ku leenahay INgiriiska ayaa kuu dhaama  o dadaka caawiya

Waxaanu yidhi ninkaas lacagta dekada berbera suufiga ku ahi . Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB oo maanta Wareysi kooban siiyay shabakada wararka ee RAMAAS, ayaa sidoo kale ka dayriyey faro-galinta siyaasadeed ee Qaramada midoobay ku hayso Somaliland, ka dib markii ay Maamul goboleedyo tiro beel ah ka abuureen Soomaliya.

Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu tilmaamay in siyaasada dawlada Ingiriisku Somaliland la jirtay wakhtigii xukuumaddii Rayaale ay dalka xukumaysay, balse ay hadda u xaglinayso dhinaca dalka Soomaliya.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ugu horeyn ka hadlaya kulan ay la yeesheen Madaxwaynaha ayaa yidhi “Anagu Madaxwaynaha waanu iska aragnay arinkdvaasi, aadna waanu u gorfaynay, waxaanan filayaa in Madaxwaynuhu taagan yahay mowqif nala mid ah oo ah arinkaasi (Shirka London) in lagu gallo talo Qaran oo loo dhan yahay, la isla eego shirku muxuu yahay, ajandihiisu muxuu yahay, yaa imanaya, iyadda oo taladeedu midaysan ay markaa meel wax dhigto, waliba Madaxwaynuhu isaga ayaa soo jeediyay inuu tallo-qaran ka galayo.”

Md Yaasiin waxa kale oo uu soo qaaday “Waa arin balaadhan oo lagaga hadlayo xalka Soomaliya oo aanay ku jirin Somaliland, waxa la yidhi waxa lagaga hadlayaa Budhcad-badeed iyo argagixiso, laakiin waxba qarsoon, waxaan filayaa in Dawlada Ingiriisku ay kala gedisan tahay wakhtigii aanu anagu (Xukuumaddii UDUB) joognay iyo imika, waxaanan filayaa inay wakhtigan u xaglinayso Somaliya marka hadalka meeshiisa loogu yimaado.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanan qabbaa in arinkaa ul-dheer la iskaga eego, (Gal dad liq ah Ul-baa la iskaga eegaaye), waxaanan ku talin lahaa haddii odeyga (Madaxwaynaha) uu culays saaran yahay inta aan aynaan Qaran ahaan ku taggin, u sii dir guddi meesha gacanta sii galiya oo inaga sii horeeya oo gunta waxa yaala sii eega, haddii kale waxaynu ku dhacaynaa Gal-dheer.”

Ku xigeenka Guddoomiyaha UDUB waxa kale oo ka hadlay “Waa run oo la inama ictiraafin, laakiin 20-kii sanadood samir ayaa lagu soo waday, waxaanad moodaa in qolada Qaramada midoobay ay imika aad inoo soo faro-galiyeen, iyagga oo Somaliya boqol dawlad goboleed u sameeyay, imikana halka soo faro-galiyey.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa waxaan leeyahay Madaxwaynaha shirkaa Sahan inooga sii dir, ta kale waxa weeyaan inaan la aqbalayn dawlad-goboleedyo inaga dhex dilaaca haddii wax kasta keenayso inaan la aqbalin”

 

Muse Ahmed Ali

qarandi99@yahoo.co.uk

———————————————————————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

0 comments:

Post a Comment