Saturday, April 14, 2012

Chinese-toona: Chinese-toona

DR. CALI KHALIIF GALEYR: “Cidda oraneysa afraad baa ku shireysa Taleex waa ka been sheegeysaa xaqiiqda, waagaa baryayna nin gacan weyn iyo nin gacan yar toona ma qarin karo”

Axad, January 15, 2012(Idhanka): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galeyr oo  Degmada Taleex ee gobolka Sool uga qeybgelaya  Shirka Khaatumo II ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da (Halkaan ka dhageyso)  waxaa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shirkaas Taleex iyo sida uu u arkayo fal-celin uu shirkaas ka keenay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sheegay in ay shirkaas ka qeybgaleen afraad fidno-wadayaal ah.

Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sida uu u yiri Axmed Siilaanyo uu sheegay in ay Taleex ku shireen afraad ama shakhsiyaad, wuxuuna caddeeyay in ay shirkaas qabsadeen dadka u dhashay Sool, Sanaag iyo Cayn “Waxaa nasiib darro ah in Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo diidanaa xukunka xukuumaddii hore oo lahaa xuquuqda dadkeyga ayaa lagu xad-gudbayaa in uu maanta yiraahdo waan diidanahay dadka Sool, Sanaag iyo Cayn in ay aayahooda ka tashadaan”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo caddeeyay in ay si weyn u raddinayaan hadalka uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Waxaa la weydiiyay hadalkiisa in uu u dhacayo in Beesha degta Sool oo shirkii gooni-isu-taagga Somaliland ka qeybgashay ay haatan gebi ahaanba ka baxday heshiiskii lagu dhisay Somaliland, wuxuuna sheegay in uu isago Cali Khaliif ahaan ka qeybgalay labo shir oo arrimhaas looga hadlayay, “Shirarkii 1991 (Burco) iyo 1993-kii (Boorama) labadaba waan ka qeybgalay aniga Cali ahaan, markii hore ee 1991-kii caqli badan in uu meesha yaallo nooma muuqan, waxaa noo muuqatay in hub badan oo Qaranka hubkiisii ahaa in uu gacanta u galay SNM, markaa waxaa noo muuqatay in iyadoo la siman yahay oo cidina aysan cid qasbaneynin wax la xalilo, waxaanu dan moodnay in loo talo badsado, arrin soo jireen ah ma ahayn, arrin ugub ah ayay ahayd, waddanka ayaa la kala goynayaa markaas kuma qanacsaneyn, 20-kii sano kuma qanacsaneyn, maantana kuma qanacsanin”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in dadka Sool, Sanaag iyo Cayn u dhashay aysan ogoleyn in dalka Soomaaliya la kala gooyo.

Waxaa uu xusay Dr. Cali Khaliif Galeyr in shirka Khaatumo II looga hadlayay arrimaha dadka u dhashay Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, isla markaana ugu dambeynta laga soo saari doono maamul madax bannaan oo ay dadka gobolladaas yeeshaan”Arrimaha maamulkaas ku dhawaaqiddiisa gacanta ayaa lagu hayaa, dhaqsina waa loogu dhawaaqi doonaa, cid ka hor-imaan karta oo waagaa baryay iyo qorraxdaa soo baxday gacanta ku celinta kartana ma jirto”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

Deegaannada uu maamulka lagu dhisayo Taleex ka talin doono haddii lagu dhawaaqo ayaa la weydiiyay Dr. Cali Khaliif Galeyr, wuxuuna sheegay in dhulka uu ka talin doono ay yihiin Sool, Sanaag iyo Cayn, “ Dhulka ay dadkan leeyihiin waa la yaqaan, meelaha la wada degan yahayna waa la yaqaan, u maleyn maayo Siilaanyo in uu Laascaanood ku murmayo ama dhulka SSC ee aan taariikhiyan leenahay, haddii uu taas ka murmana dee isagaa cirka roob ku og” ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

Deegaannadaas oo ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada Somaliland sida ay qorsheynayaan in ay ku soo ceshadaan ayaa la sii weydiiyay Dr. Galeyr, wuxuuna ku jawaabay “Annaga waxaan u dhabar adeegeynaa in si nabadgelyo ah arrimahaas ku dhammaadaan ku dhamaadaan, ciidamada Somaliland ee halkaas joogana ay meesha ka baxaan, iyadoo aanan la is-qasbeynin, iyadoo aan ognahay in ay jiraan waxyaabo badan oo aan wada leenahay taariikhiyan, haddana aan diyaar u nahay in wixii aan wada leenahay wada hadal lagu galo”.

Waxaa la weydiiyay Dr. Galeyr sida ay u arkayaan dadka ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka tirsan maamullada Somaliland iyo Puntland, wuxuuna sheegay in dadkaas ay u arkayaan sida uu maamulka Somaliland u arkayo dadka Hargeysa u dhashay ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay.

“Cidda oraneysa afraad baan ku shireysa Taleex waa ka been sheegeysaa xaqiiqda, waayo halkan (Taleex) waxaa isugu yimid dhammaan dadka u dhashay dhulkan oo Isimadii, Cuqaashii, Culumaa’udiinkii, Siyaasiyiintii, Ganacsatadii, Haweenkii iyo cid walba ah, cidda caga jugleyneysana u suurtagelimeyso waxa ay dooneyso”ayuu Dr. Cali Khaliif Galeyr.

“Maamullada Somaliland iyo Puntland waa ay diidan yihiin maamulka laga filayo Shirka Khaatumo II, markaas waa tee cidda aad isku halleyneysaan ayay ahayd su’aal kale oo la weydiiyay Dr. Cali Khaliif Galeyr, “taageerada aan heysanno waa tan dadkeena, 100%  dadku meel ayay uga soo wada jeedaan, awooddeena baana ku tashaneynaa”ayuu yiri Dr. Galeyr.

Haddii colaad uu horseedo shirkan Taleex oo deegaanno nabad ah ay colaad ka dhacdo cidda mas’uuliyaddaas qaadeysa ayaa la weydiiyay Dr. Galeyr, wuxuuna sheegay in aysan jirin nabad taalla Sool, Sanaag iyo Cayn, “Ma Laascaanood baa nabadi taallaa, bandow baa ka jira, 5ta galabnimo ayaa la xiraa, Ardaydii baa la leynayaa, ma ogolin dhaqan-xumada lagu hayo Laascaanood, ma ogolin wixii ka dhacay Kalshaale iyo Hoodaale”ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in aysan weerar ku ahayn Burco, Berbera iyo Hargeysa.

Su’aal kale oo la weydiiyay Dr. Galeyr ayaa ahayd cidda ay Isbaheysi la sameysan doonaan haddii ay Somaliland iyo Puntland ay dhismaha maamulkooda diidan yihiin, “Shirweynaha Soomaaliyeed ayaan xiriir la sameysaneynaa, welina kama quusan shacbiga Somaliland iyo Puntland oo dano ayaan wada leenahay, maamulladana waan aragnaa. Maamulka Somaliland waxa uu diidan yahay oo aan u cuntameynin waxaa weeye annagu waxaan rabnaa midnimada Soomaaliyeed, haddii uu maamulka Somaliland leeyahay Annaga Soomaaliya kama mid noqoneyno  iyaga ayay u taallaa, waxaanse aragnay in Umadda dhulkan ku nool iyo Umadda Soomaaliyeedba guud ahaan in ay danta ku jirto in aan dalkan la kala gooyn, balse laga tashado sidii la isugu soo noqon lahaa iyo sidii wax loo qeybsan lahaa habkii ay doontaba ha noqotee”.

Source-Hol

0 comments:

Post a Comment